User:Nujayla

(Garaad .darood waliba jidwaaq absame darood)

Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda. Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay.

Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarood Ismaaciil Jeberti, khaastan Absame Kuumade, si hoos iyo qoysna Jidwaaq.

Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii.

Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen:

1.Dhulbahante

2.Cubbeed

3.Cumar

4.Axmed

5.Qaallib

6.Askar

7.Farruur

8.Xiirey

Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey; Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan.

Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray:

1.Cawrala Garaad Faarax

2.Canbaro Garaad Faarax

3.Cawo Garaad Faarax

Adeeradiisna waxay kala ahaayeen:

1.Samatar Garaad Xirsi

2.Magan Garaad Xirsi

3.Cali Garaad Xirsi

4.Guuleed Garaad Xirsi

Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen:

1.Timmiro-Caddeey

2.Dahabo Qalatara

3.Dahabo Aw-Cali Dalal

4.Beydan Duula

Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen.

Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay. Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor. Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin. Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay.

Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin. WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay. Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin. Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.

Content Disclaimer

Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.

  1. The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
  2. There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
  3. It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
  4. Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
  5. Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.